Arin Layaableh:- Gabar basaasnimo lagu eedeyay oo ka mid ahayd shaqaalaha nadaafadda ee guriga wasiirka difaaca Israel.

Bulsha:- Israel ayaa basaasnimo ku eedeysay qof ka mid shaqaalaha nadaafadda ee guriga wasiirka difaaca Benny Gantz, ayada oo sheegtay inuu yaboohay inuu ka jaajuuso wasiirka, isaga oo matalaya “qof xiriir la leh Iran.”

Bayaan ay soo saartay ayey hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet ku sheegtay in qofka la tuhunsan yahay oo lagu magacaabo Omri Goren uu la shaqeynayey qof ay ku xiriireen baraha bulshada oo wakil ka ah Iran.

Waxay intaas ku dartay in Omri Goren uu siiyey sawirro laga qaaday guriga wasiirka si uu ugu caddeeyo inuu awood u leeyahay inuu xog heli karo, islamarkaana uu soo jeediyey inuu virus sirta xada ku xiro computer-ka Gantz.

Shin Bet waxa ay sheegtay in tuhmanaha, oo shaqooyin nadaafad iyo adeegyo kale ah ka qabtay guriga Gantz, lagu soo oogay dacwad basaasnimo, isaga oo la horgeeyey maxkamad ku taalla magaalada Lod, oo ku dhow magaalada Tel Aviv. 

Shin Bet ayaa ku warrantay in Omri Goren la xiray kadib baaritaan la sameeyey horraantii bishan. 

Xafiiska Difaaca Dadweynaha, oo qareen u qabtay Omri si gacan loo siiyo, ayaa ku dooday inuu sidan u sameeyey “dhibaato dhaqaale darteed” ee ujeedkiisu aan aheyn inuu dhaawaco amniga qaranka. 

Gal Wolf, oo ah qareenka matalaya Omri, ayaa sheegay inuu doonayey un inuu lacag helo isaga oo aan dhab ahaan fulin ficil basaasnimo. 

Bayaanka ay soo saartay ayey Shin Bet ku sheegtay in inkasta oo Omri uu khatar ku ahaa amniga qaranka, haddana “uusan gacanta ku dhigin sir culus, oo aanu u gudbin qofka kale ee uu la shaqeynayey.”

Omri oo 37 jir ah ayaa la sheegay inuu leeyahay taariikh xabsi, ayada oo afar goor la xiray 2002 illaa 2013, oo ay ku jirto mar loo xiray inuu u dhacay banki.

Taariikhda dambiilenimo ee Omri ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida qof noocaas ah uu shaqo uga helay guriga wasiirka difaaca.


Shin Bet ayaa sheegtay inay billowday dib u eegis gudaha hay’adda ah oo ku saabsan qaabka loo hubiyo taariikhda iyo sooyaalka dadka laga shaqaaleysiiyo guryaha madaxda sare.  










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment