War Deg Deg:- Cali Xarbi oo dacwad dil lagu soo oogay iyo sababta rasmiga ee dilka David Amess oo la shaaciyey

Bulsha:-  Booliska Britain ayaa Cali Xarbi Cali oo Soomaali ah si rasmi ah ugu soo oogay dacwad ah inuu dilay xildhibaan David Amess, waxayna sheegeen in ficilkaas uu ahaa mid argagixiso.

Sir David Amess oo ahaa 69 jir ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa Jimcihii tegay lagu dilay mindi, isaga oo dadka soo doorta kula kulmayey kaniisad ku taalla deegaanka Leigh-on-Sea, oo 65 km u jira London.

Booliska ayaa sheegay in Cali uu goor dambe oo maanta ah kasoo muuqan doono Maxkamadda Westminster Magistrates ee London.

“Waxaan maxkamadda u gudbin doonaa in dilkan uu ahaa mid xiriir la leh argagixisanimo, si gaar ahaan inuu dhiiri-geliyey sabab diimeed iyo mid fikir,” waxaa sidaas yiri Nick Price, oo ah madaxa qeybta dambiyada gaarka ah iyo ka hor-tagga argagixisada ee Adeegga Xeer-ilaalinta Boqortooyada.

“Waxaa sidoo kale lagu soo oogay diyaarinta ficil argagixiso. Tani waxay ku timid caddeymo ay u booliska Metropolitan ku heleen baaritaankooda.”

Booliska waxay sheegeen inaysan jirin cid kale oo loo xiray dilka xildhibaan David Amess, islamarkaana aysan raadineyn qof kale oo lala xiriirinayo.

Dhinaca kale, Matt Jukes oo ah kaaliyaha madaxa booliska London ee howlgallada gaarka ah ayaa ka digay wararka xanta ah ee ku saabsan sababta Cali Xarbi Cali uu u dilay David Amess.

“Maadaama hadda dacwado lasoo oogay, waa muhiim in qof kasta uu is-xakameeyo marka uu uu arrintan ka hadlayo, si loo xaqiijiyo in hanaanka maxkamadda aan laga sii hordhacin,” ayuu yiri Jukes.



Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah.

Sir David Amess wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjeestay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment