Soomaali Tahriib ku galay Talyaaniga oo xil sare loo doortay

Bulsha:- Cabdullaahi Axmed Macallim oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa noqday qofki ugu horreeyay oo muhaajir ah oo loo doorto xildhibaan ka tirsan Golayaasha Deegaanka ee dalka Talyaaniga.

Cabdullaahi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ku soo baxay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino oo ku taalla Waqooyiga dalka Talyaaniga.

Sidoo kale waxa uu noqday musharraxa ugu codka badan Golaha Deegaanka ee la doortay iyo ajnabigii ugu horreeyey muddo 25 sano ah.

Mr Cabdullaahi ayaa haatan helay fursad weyn oo uu ku metali doono shacabka magaalada Torino ee dalka Talyaaniga.

Guushiisa ayaa ka dambeysay, kadib markii ay soo sharraxeen xisbiga Dimoqraadiga ee dalkaasi, isaga oo isniintii ku guuleysay ka mid noqoshada Golaha Deegaanka.

Waxaa sidoo kale guushiisa soo dhoweeyey Soomaalida oo si aad ah ugu hambalyeeyey, waxaana baraha bulshada ka socda dabaal-deg lagu muujinayo guushiisa.


Arrinta xiisaha usii yeeleysa guusha Cabdullaahi Axmed Macallin ayaa ah in doon uu ku galay dalka Talyaaniga, isaga oo tahriib ahaa sanadkii 2008-dii.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment