Xog:- Al-Shabaab oo shaaciyey sababta ay u weerareen Xarunta Wasaaradda Shaqada

Bulsha:-  Barqanimadii shalay ayaa weerar ku bilaawday qaraxyo waxaa lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Isgoyska Jubba, waxaana weerarkaas sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo shaaciyey sababta ay u weerareen.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdi Caziiz Abuu Muscab  ayaa ku sheegay sababta ay u weeraeen Xarunta in Wasaaradda ay ku howlaneed qorista Ciidamo la dagaalama Ururka Al-Shabaab.

Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay sidoo kale diyaarineysay ciidamo dharcad ah oo basaasa Culuma’udiinka ku nool Magalada Muqdisho iyo cidkasta oo kasoo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Cabdi Caziiz Abuu Muscab in Wasaaradda Shaqada ay sidoo kale qoreysay dhalinyaro ka qeyb qaata dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka, iyada oo loo marayo Barnaamijka isxilqaan,taasina uu sheegay inay tahay mid kasoo horjeeda Diinta Islaamka.
Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in weerarkii shalay ay ku dileen 15 oo uu ku jiro Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaka xukuumadda Soomaaliya , islamarkaana ay ku dhaawaceen 26 kale oo ay saraakiil ku jiraan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment