Daawo Sawiro Talyaaniga oo dhalasho siiyay Wiil Afrikan ah oo Halyey loo aqoonsaday

Bulsha:- Dowlada Talyaaniga ayaa dhalashada dalkeeda siisay wiil 13-sano jir ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Masar, kadib markii wiilkaasi la sheegay in uu sabab u noqday in la bad baadiyo arday lagu afduubtay gaari Bas ah ay la socdeen.

Ramy Shehata ayaa garaacay gambaleel ku qarsoonaa telfoonka uu watay kadib markii darawalka Baska uu ardayda afduubtay, waxaana ardaydii baska saarnaa la sheegay in ay ka daateen baska kahor inta aan dab la qabadsiin.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa wiilkaasi reer Masar ku tilmaamay halyey u qalma in la siiyo dhalashada dalka Talyaaniga, waxa uuna sheegay in uu bad baadiyay nolosha arday badan oo iskuulka la dhiganaysay.

“Waa in muwaadin laga dhigaa Ramy sababtuna waxay tahay waa in uu yahay wiilkayga oo kale oo u istaagay qiyamka dalkiisa, waa halyey nolol badan bad baadiyay” ayuu yiri Ra’isul Wasaare kuxigeenka Talyaaniga.
Wiilkan dhalashada Talyaaniga la siiyay ayaa ku dhashay gudaha Talyaaniga, waxaana sharciga Talyaaniga dhigayaa in caruurta soo galootiga dhaleen dhalashada lagu siin karo da’da 18-sano.








Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment