Daawo Sawirada:- Ciidamada DANAB & kuwii Dhawaan gadoodka sameeyay oo Al Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah

Bulsha:-  Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamada DANAB ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada DANAB ayaa la wareegay tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmada Tooratoorow, kadib markii ay weerar ka qaadeen saldhiga ciidamada cirka ee Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa qabsaday deegaanada Godale , Cadaleey iyo deegaano dhowr ah waxaana la sheegay inay ciidamada ku hubeysnaayeen hub casri ah.

Sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha DHexe, halkaasi oo maalmo kahor qabsadeen ciidamada Al Shabaab.

Ciidamada xooga dalka ee kusugan Shabeelaha Dhexe, ayaa sidoo kale dib u qabsaday deegaano kale oo ka tirsan degmada Balcad, waxaana la sheegay in ciidamadii dhawaan gadoodka sameeyay inay qeyb ka ahaayeen ciidamada dib u qabsaday deegaanada AL SHabaab ku sugnaayeen.
Saraakiisha ciidamada Dowladda ee gobolada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada Al Shabaab ay kaga saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment