Sawirro: Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka oo gaaray degmada Buulo Burde

Bulsha:- Saraakiil uu hoggaaminayo Abaanduullaha  Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan.

Abaanduulaha iyo Saraakiisha la socota ayaa kulamo la qaadan doona Saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan degmadaas, iyagoo kala hadli doona howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa.

Wafdiga Abaanduullaha ayaa ka soo kicitimay Magaalada Baladweyne oo kulamo ay kula soo qaateen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo Madaxda Hirshabelle.

Booqashada abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha la socota ayaa salka ku haysa diiwaangelinta ciidamada xoogga dalka iyagoo hore u soo booqday magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ka mid ah maamul goboleedka Hirshabelle.
Degmada Buulo-Burde waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada ay dhowr mar sheegeen inay go’doonka ka qaadi doonaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment