Sawirro: Ciidamada DF oo qabtay waxyaabo qarax looga shakiyay (Daawo)

Bulsha:-  Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo looga shakiyay inay yihiin qaraxyo la farsameynayay iyo ruuxii ku howlanaa.

Howlgalka ayay ciidamada amaanka ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana lagu qabtay ruux ku howlanaa sameynta waxyaabaha qarxa iyo qalab mobeylo u badan oo qaraxyada laga hago.

Xaafadda Nageyle ee degmada Kaaraan ayaa baaritaanka laga sameeyay, waxaana saraakiisha ay sheegeen inay ku raad joogaan dad kale oo looga shakisan yahay inay arintaan ku lug lahaayeen.

Waxaa hadda ruuxaan uu ku xeran yihiin saldhiga degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyadoo ay baaritaan uu ku socdo, sida saraakiisha ciidamada ay sheegeen.
Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkaan ka waday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir baaritaanka amaanka lagu xaqiijinayo, inkastoo mararka qaar ay degmada ka dhacaan falalka dilka ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment