Daawo:- Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo Gaalkacyo gaaray (Maxaa soo kordhay?)

Bulsha:- Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in si Wadajir ah halkaasi ay maanta u gaareen madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda Galmudug.

Labada masuul ayaa u gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug inay la kulmaan wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeysay la kulmayay madaxda dowlad goboleedyada.

Nicholas Heysom ayaa la kulmay madaxda Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo Somaliland, waxaana kaliya u harsan madaxda maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumadda ayaa Diyaarad ku tegay Gaalkacyo,iyaga oo halkaasi u tegay la kulanka Ergeyga QM oo wada xal u raadinta khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada Gaalkacyo lagu qabto shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo madaxda maamul goboleedyada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment