Daawo: Farmaajo oo qiray in madaxda Somaliland ay si toos u wada hadlaan

Bulsha:- Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa daboolka ka qaaday in si joogta ah ay u wada hadlaan Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Biixi uu kala hadlay sida xal loogu heli lahaa dagaalka Gobolka Sool, taa oo uu sheegay inay u hirgashay.

‘’Arrintooda waan dhexgalay waana la hadlaa waxbadan ayaa nooga hirgalay’’

Madaxweyne Farmaajo oo wareysi siinaayay Telefeshinka Qaranka ayaa sheegay in Muuse Biixi uu kala hadlay xitaa sida lagu qaboojin lahaa colaada ka aloosan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, balse ay isla fahmeen.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay kaalin weyn ka qaadatay sida lagu joojin lahaa dhiiga ku qubanaaya deegaanka Tukaraq, waxa uuna cadeeyay in dowladu ay diyaar u tahay inay sii wado dadaalkeeda.

HOOS KA DAAWO WAREYSI GAABAN OO LALA YEESHAY FARMAAJO











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment