Xuutiyiinta: Imaaraadow Soomaalida Ammaan Siiya….Mareykan Ayey Cashar U Dhigeen

Bulsha:- Madaxa guddiga kacdoonka ee ka tirsan Xuutiyiinta Yemen Maxamed Cali Xuuti ayaa sheegay in kooxdan ay taageersantahay Soomaaliya, isla markaana ay uga digayaan Abu Dhabi inay farageliso arrimaha Soomaaliya iyo qarannimadeeda.

Mas’uulkan Xuutiga ah waxaa uu Imaaraadka xusuusiyay in dadka Soomaalida ay xor yihiin isla markaana ay horay cashar aan la ilaabi karin ugu dhigeen Mareykanka.

Maxamed Xuuti oo bartiisa Twetterka qoraal soo dhigay waxaa uu u qornaa “Waxaanu taageereynaa walaalaheen Soomaaliya, waxaan cambaareyneynaa faragelinta Imaaraadka ee arrimaha Soomaaliya, waxaan kaloo Imaaraadka u sheegeynaa inay qashinkooda kala fogaadaan dadkaasi xorta ah kuwaas oo cashar aan la ilaabeyn u dhigay Mareykanka, arrintaasina ku cibra-qaata intaanu waqtigi idiinka dhammaan”.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa mugdi ku jiray tan iyo bishii June sanadkii tagay, waxaana arrintaas ay ka sii dartay kadib markii Imaaraadka uu heshiis la galay Somaliland oo ay Berbera la wareegeen arrintaas oo Muqdisho u aragtay faragelinta arrimaha Soomaaliya iyo qarannimadeeda.

Goobjoog News










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment