Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Sacuudiga iyo xog ku aadan ujeedka Socdaalkiisa

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maalinto beri u dhoofaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Farmaajo ayaa Sacuudiga uga qeyb galaya shir madaxeedka 29aad ee Wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, waxaana shirkan sidoo kale kasoo qeyb galaya Madaxweynayaal kale.

Wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay gaaray dalka Sacuudiga, waxa uuna Wasiirka ka qeyb galaya shirka horu dhaca ah ay yeelanayaan Wasiirada Arimaha Dibadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu Sacuudiga joogo la kulmi doono qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Jaamacada Carabta, waxa uuna kala hadli doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xariirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Warar kale oon heleyno ayaa sheegaya in marka uu shirka dhamaado Dowlada Sacuudiga dhax dhaxaadin ka dhax bilaabi doonto Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta oo xiriirkooda hada meel xun gaaray.
Dowlada Soomaaliya ayaa horey dacwad ka dhan ah Dowlada Imaaraatka Carabta iyo shirkada DP Worl ugu gudbisay Jaamacada Carabta, waxaa sidoo kale dacwad ka dhan ah Soomaaliya iyana jaamacada Carabta u gudbisay Dowlada Imaaraatka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment