DF oo ka jawaabtay hadalkii adkaa ee kasoo yeeray Imaaraadka Carabta

Bulsha:- Dowlada Somalia ayaa si kulul uga jawaabta qoraal cambaareyn ah oo kasoo baxay Wasarada arrimaha Dibadda dalka isutaga imaaraadka carabta,taa oo daba soctay dhaqaale sifo sharci darro ah loogu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia uu diiday in dhaqaalahaasi la mariyo mishiinka baarista, si loo ogaado waxa ku jiray boorsooyinka oo ahaa lacag la doonaayay in sifo sharci darro ah lagu galiyo magaalada.

Dowladu waxa ay sheegtay in lacagtaasi la doonaayay in la dhexmariyo Garoonka iyadoo aan la hordhigin shaqsiyaadka qaabilsan maamulka Garoonka si loo baaro, balse ay ka bogan doonaan baaritaanka lagu hayo lacagta.

Dowlada Somalia waxa ay difaacday tallaabada ay qaaday waxayna sheegtay in safiirka imaaraadka ee Somalia  uu diiday in boorsooyinkaas la mariyo qalabka baaritaanka iyaga oo aan la furin, taasina ay dhalisay shaki badan.

Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan dowlada, gaar ahaan Hay’adaha amniga qeybta Garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay in boorsooyinka uu waday Safiirka Imaaraadka aanu ahayn kuwo diplomaasiyeed, balse la doonaayo in dhan diplumaasiyadeed loo weeciyo, taana aysan suuragal aheyn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amnigu ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa isla markaana ay kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar.

Wasaaradu waxay ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka.

Dowlada Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay in talaabada ay qaaday dowlada Somalia ay jebinayso  is afgarad ay horey u gaareen Somalia iyo Imaaraadka sannadkii 2014-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa ku adkeysaneysa in dhaqaalaha lagu qabtay Safiirka Imaaraadka ee Somalia lagu sameynaayo baaritaan dhab ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment