Muudeey: “Xildhibaan kasta oo fasax lahaa waan ka qaaday,waa in la soo laabtaa”.

Bulsha:- Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi wali Shiikh Ibraahim Muudey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa u yeeray dhamaan Xildhibaanada ka tirsan Golaha ee ka maqan Dalka in ay si deg deg ah ku soo laabtaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu fasaxa ka qaaday Xildhibaan walba oo fasax ka heestay guddoonka, waxa uuna sheegay in meel dhaw iyo meel fogba Xildhibaankii jira in uu si deg deg ah ku soo laabto.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo sii xoogeysanaya abaabulka iyo kala jiidashada Xildhibaanada, wararka qaar ayaa sheegaya in dhinacyada aysan farqi badan u dhaxeyn tirada Xildhibaanada ay kala heestaan.

Guddoomiye Muudeey ma sheegin xilliga uu furmayo Baarlamaanka Golaha shacabka ee uu ugu horreeyo mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaannada ayuu ugu baaqay in si waafaqsan xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo Dastuurka dalka ay u gutaan shaqada iyo waliba mooshinka,waxaa kale oo uu ugu baaqay in ay meesha ka saaraan nin jecleysiga islamarkaana ay fiiriyaan kaliya sharafta xildhibaanka uu leeyahay.
Mooshinka ka dhanka ah Goddoomiyaha Golaha shacabka ayuu waqtigiisu ku egyahay 24ka Bishan,waxaana uu soo billowday 14kii bishan,sidaas darteedna Xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayey tahay in ay mooshinkaas qaadaan ka hor taariikhda 24ka Bishan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment