Xog: Mucaaradka DF oo isku uruursanaaya dalka Turkiga & Qorshahooda oo la ogaaday

Bulsha:- Sida aan xogta ku heleyno waxaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga isku uruursanaayo dhinacyada ka tirsan Xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka.

Dhinacyada Mucaaradka ee isku uruursanaaya Istanbuul ayaa waxaa u badan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, oo garab ka helaaya Siyaasiyiin iyo xubno kale oo ka dhex macaashaya dowlada iyo mucaaradka.

Mucaaradka ayaa lasoo sheegayaa in shirar gaargaar ah uu uga furmaayo magaalada Istanbuul, waxaana loo badinayaa in halkaa uu gaaro Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo garabkiisa ku wehlinaayay Siyaasada.

Xildhibaanada mucaaradka ah ee la saadalinaayo inay wehlin doonaan Xasan Sheekh ayaa kamid ah Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo gacan midig u ah Madaxweynihii hore.

Xildhibaanada madasha ku balansan ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inuu kamid yahay ex Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid oo ka tirsan Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka.

Sidoo kale, waxaa ka dhex muuqan doona Xildhibaano farabadan oo ka tirsan garabka Damul-Jadiid oo qaarkoodba iminka ku sugan magaalada Istanbuul, iyadoo halkaa ay uga arinsan doonaan arrimo ku saabsan Siyaasada iminka taagan.

Dhinacyada mucaaradka ayaa u muuqda inay aad uga soo horjeedan xasiloonida iminka ka jirta dalka, waxa ayna ku haminayaan in dalka uu dib ugu laabto xiisadihii Siyaasadeed ee Soomaalida kala geeyay.

Qorshaha ugu weyn ee shirarka la saadaalinaayo ayaa ah in lagu caburiyo dowlada iminka jirta wallow ay taa ka gaashaamatay dowlada Somalia.

Geesta kale, waxaan la saadaalin Karin waxa uu noqon doono biya dhaca shirarka mucaaradka uga furmi doona magaalada Istanbuul.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment