Sawirro: Mashaariicda dawladda Qadar ka Fulinayso Soomaaliya iyo Kulamadii dhexmaray Madawaynaha Hirshabeelle

Bulsha:- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho Sii Hayaha Safiirka Qatar Xasan Xamza iyo Mas’uuliyiin ka kala socday Hey’adda Jidadka Qatar iyo Hey’adda lagu wado inay dhowaan bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo horay u saxiixay dowladda Soomaaliya heshiiskii mashaariicda ay Qatar ka fulineyso Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa ka mahadceliyay taageerada dowladda Qatar ee Soomaaliya, gaar ahaan mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo ah mid istiraatiiji ah, isla markaana ay aad ugu baahi qabaan dadka Soomaaliyeed dhismaha wadadaas oo xilligan burbursan.

Waxaa uu ka codsaday Mas’uuliyiinta Qatar inay dardar geliyaan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
Mas’uuliyiinta ka socday Qatar ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loo fulin lahaa mashaariicda dhismaha waddooyinka, sida wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo dhowaan la bilaabi doono iyo mashaariic kale.
Illaa 200 milyan oo dollar ayaa ku baxaya mashaariicda ay ka Qatar ka fulineyso Soomaaliya, sida wadada isku xirta Muqdisho-Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar, xarumo loo dhisayo dowladda iyo mashaariic kale oo horumarineed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment