Mareykanka oo Somaliland ku cambaareeyay xarigga dhallinyarada

Bulsha:- Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa cambaareysay xarigga Maamulka Somaliland u geystay wiil iyo Gabar ay ku xirtay Magaalada Hargeysa.

Maamulka Somaliland ayaa xiray Gabar lagu magacaabo Naciimo Axmed Ibraahim (Qorane) iyo Maxamed Keyse Maxamuud,kuwaas oo Somaliland u heysato in ay aaminsanyihiin aragtida Somaliweyn.

Labada Qof ee dhallinyarada ah ayaa ka soo jeeda degaannada Somaliland waxaana Naciimo ka mid tahay dhallinyarada gabya ee jecel midnimada Soomaaliya halka Keyse Somaliland ku heysato buug uu ka qoray Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku bogaadinayay.


Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya war ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku cambaareysay xarigga dhallinyaradaas waxaana xukuumadda Somaliland ugu baaqday in ay ilaaliso xorriyadda hadalka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment