Daawo Sawirada:- Madaxweyne Farmaajo oo Furay Shirka Golaha Amniga Qaran.

Bulsha:- Shirkaan oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa qorshuhu yahay in berri lasoo gaba-gabeeyo, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Saraakiisha Ciidamada, La taliyaasha Madaxda Dowladda iyo xubno kale.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu faah-faahiyey furmashada Shirka Golaha Amniga ee Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, waxa uuna u qornaa:-



Muqdisho, 06 Febraayo 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka Golaha Amniga Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka guddoominayey qodobbada looga hadli doonana waxaa ka mid ah, xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo ka mid ah Golaha Amniga Qaranka ayaa shirka ka qeybgalay.








Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:



Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment