Xildhibaan C/Shakuur Cali Mire oo difaacay Weerarada NISA ee ka dhanka ah Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada.

Bulsha:-   Xildhibaan C/Shakuur Cali Mire oo kamid ah golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa dhaliilay Xisbiyada Siyaasadeed ee dhaliilsan Dowladda Somaliya.

Xildhibaan Mire oo Bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal uu kaga hadlayay Warsaxaafadeedkii shalay ay soo saareen Xisbiada Daljir,Wadajir,Kulan iyo Horusocod ayuu ku sifeeyay iney yihiin kuwo dana gaara ka leh mucaaradada Dowladda, lacagana kaga soo qaatay Dalal shisheeye.

Dalka ayuu sheegay ineysan xiligan ka jirin Xisbiyo Siyaasadeed balse ay ka jiraan, bals ay ka jiraan kooxo qabiil ku saleysan oo ujooga curyaaminta dadaalada Dowladdu sameyneyso.

“Dalkeenu kama jiraan xisbiyo mucaarad oo rasmi ah, balse waa kooxo qabiil ku saleysan, waxay u joogaan inay curyaamiyaan dadaalada dowladdu sameyneyso”ayuu yiri Xildhibaan C/shakuur Cali Mire.

War saxaafadeedka ay Afarta Xisbi soo saareen shalay ayey ku eedeeyeen Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Somaliyed ee NISA, Waxeyna ku sifeeyeen aalad ay sidey doonaan u adeegsadaan madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xildhibaan Mire oo difaacayay weerarada NISA ee Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ayuu yiri “NISA waxaa loo igmaday ka ilaalinta wadanka qaa’imiinta iyo dadka la shaqeeya cadawga Soomaaliya”.

Xildhibaan C/Shakuur Cali mire oo mar soo noqday Wasiir kuxigeenkii Warfaafinta Somaliya ayaa badanaa si kulul u eedeeya Xildhibaanada Dowladda dhaliilsan, wuxuuna ku sifeeyaa Qabyaaladiistayaal isagoo difaaca Madaxweyne Farmaajo oo ay isku reer yihiin, qeybna ka ahaa dadkii hogaanka uhaya Kooxdii u ololeysay Madaxweyne Farmaajo 8 February.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment