Sawirro: Farmaajo oo amray dhaqan gelinta Heshiiska mideynta Galmudug & Ahlusunna

Bulsha:-  Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirka mideynta kadib ku baaqay in si dhaqsi leh lagu dhaqan galiyo dhammaan qodobyadii ay kala saxiixdeen Galmudug iyo Ahlusunna.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada deegannada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug.

Madaxweynaha ayaa baaqan ka sheegay munaasabada mideynta labada dhinac, waxa uuna dhaqan gelinta heshiiska uga mahad celiyey saaxiibada caalamka, gaar ahaan dowlada Djibouti iyo Hogaanka sare ee IGAD oo kaalin mug leh ka qaatay isku soo dhawaanshiyaha Galmudug iyo Ahlusuna.

Isagoona sidoo kale bogaadiyey biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen Hogaamiye Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Waxa uu yiri “Maanta waa maalin reer Galmudug ay ka baxayaan kala qeybsanaanta iyo colaadaha ka jirta gobolladan. Waa guul u soo hoyatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Farmaajo ayaa xusay kaalinta qiimaha badan ee dhisitaanka iyo marti gelinta Dowlad Goboleedka Galmudug ay ka qaateen shacabka iyo wax-garadka magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ahayd.

“ Heshiiskan waa bilow wanaagsan, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana horay loo sii amba qaado. Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabaddaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating, danjireyaasha wadama Jabuuti iyo Kenya, Wakiillada Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu kormeer ku tagay Xerada Taliska Ciidanka 21aad ee Xoogga Dalka, halkas oo ay ku sugnaayeen ciidammo horey uga tirsanaa maamulka Ahlu Sunna balse haatan lagu wareejiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidankan ayaa faray in ay u istaagaan gudashada waajibaadka qaranka, qeybna ka noqodaan dagaalka lagaga sifeynayo Alshabaab deegaannada kale ee ay kaga harsanyihiin dalka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment