R/wasaare Khayre oo Booqasho ugu Tagay Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)

Bulsha:-   Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriirtay in uu la qeybsado dareenka ka dhashey falkii lagu weeraray gurigiisa Mudane Cabdi Qeybdiid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in Dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay falkaasi weerarka ah,islamarkaana ay Dowladdu ka jawaabi doonto.
Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 askari iyo saraakiil,kuwaasi oo loo haysto in ay ku lug leeyihiin weerarkaasi,waxaana ku socda baaritaano.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment