Faransiiska oo digniin culus u kala diray Seddex dowladood oo colaad hurinaaya

Bulsha:- Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa uga digay wadamada Maraykanka, Israel iyo Sacuudi Carabiya inay ka fiirsadaan hadalada colaada kicin kara ee ku aadan xaalada kacsan ee Iran, isaga oo ugu baaqay in ay joojiyaan ereyadooda, nacaybka taas oo uu sheegay, inay horseedi karto “dagaal”.

“Dhaqanka  ay wadaan Maraykanka, Israel iyo Sacuudi Carabiya, kuwaas oo aan xiriir dhow la leenahay ayaa waxay nagu horseedi karaan dagaal,”ayuu u sheegay saxaafada Emmanuel Macron Arbacadii.

Madaxweynihii Faransiiska ayaa ka digay in dalalka qaarkood, siyaasada colaadeed ay tahay mid “istaraatiijiyad toos ah.”

Macron ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la sii wado “xiriir joogto ah” oo lala yeesho Iran iyada oo la raadinayo wadiiqo “lagu kordhin karo cadaadiska caalamiga ah” ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Macron ayaa sidoo kale ka digay in Mareykanka iyo xulafadiisu ay halis ugu jiraan in ay ku lug yeeshaan “khilaafka ba’an ee xad-dhaafka ah” iyaga oo u adeegsanaya  siyaasadahooda colaada ee ka dhanka ah Iran.
Toddobaadkii hore, tiro dibad-baxyo nabad ah ayaa ka bilowday meelo badan oo dalka Iran, iyada oo ay ka qaybgalayaashu ugu baaqayaan mas’uuliyiinta in ay wax ka qabtaan arrimaha dhaqaalaha.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment