Daawo:Xerada ugu Weyn ee Ciidamada Asluubta oo Maanta Xarigga laga Jaray

Bulsha:- Waxaa maanta xarigga laga jaray xaruntii hore ee ciidamada Asluubta oo dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyay taas oo ku taalay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan Ex kontarool Afgooye.

Munaasabadda xarigga looga jaray xarunta ayaa waxaa goob joog ahaa xildhibaano ka tirsan labada aqal, saraakiil ka tirsan ciidanka Asluubta iyo kuwa xoogga, waxaana xarigga jaray wasiirka cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji, wuxuuna sheegay in guul ay tahay dib u howgalinta xaruntan.


Wasiirka ayaa amaanay taliska ciidanka Asluubta oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka shaqeynayay sidii loo dayactiri lahaa xaruntan oo burbursaneyd tan iyo markii dagaalada sokeeya ay dalka ka dhaceen.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka mid ah ciidamada qaranka uu leeyahay, waxaana la aas aasay taariikhdu marka ay aheyd 22-kii Fabraayo sannadka 1970-kii.

Howlaha ugu muhiimsan oo uu qabto ciidanka Asluubta ayaa waxaa ka mid ah dhaqancelinta maxaabiista, waxayna la shaqeeyaan hey’adaha garsoorka dalka.
Xarunta maanta xarigga laga jaray oo ah tan ugu weynayaa waxaa dhistay sannadkii 1974-kii dowladdii Kacaanka ee uu hoggaaminayay Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment