Waaxda ayaa gaadiidkaasi oo Lix ah ku wareejisay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Somalia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana ku wareejiyay Saraakiil ka socta dowlada Mareykanka.
Gaadiidkan oo aanu xabadu Karin ayaa waxaa loogu talo galay Wasaarada Difaaca Somalia, waxaana si rasmi ah ula wareegay Wasiirka.
Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu talagashay in lagu kaabo Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,si ay ugu qabato adeegyada muhiimka ah ee bulshada ay u hayso Wasaaradda.
Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Somalia ayaa dowlada Mareykanka uga mahadceliyay sida ay u garab taagantahay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,oo dagaal kula jira ururka Al-shabaab.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment