Daawo: Imaaraadka oo Hargeysa usoo diray Wafti Muuse ku Qanciya Saldhiga Berbera iyo Xildhibaan ka digay

Bulsha:- Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa magaalada Hargeysa  u soo dirtay wefti  kulan la yeelan doona Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha Somaliland, Kuwaasi oo kala hadli doona arrimaha saldhiga milatari ee Berbera.

Weftigan oo shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, ma jiro wax war ah oo Somaliland ka soo saartay, laakiin warar soo baxay ayaa sheegaya in ujeedada weftigu tahay sidii ay kulan arrimaha saldhiga ku saabsan ula yeelan lahaayeen Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii ay Somaliland xaqiijisay in hakin lagu sameeyay hawlihii saldhiga markii ay soo baxeen arrimo lagu heshiiyay oo aanay dawladda Imaaraadka Carabtu weli fulin.

Weftiga Imaaraadka ka socda ayaa shalay kulan kooban la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Sacad Cali Shire, waxaana la filayaa inay maanta la kulmaan  Muuse Biixi, waxaana  Somaliland weftiga UAE u bandhigi doontaa qodobbada ay doodda ka leedahay ee la xidhiidha saldhiga iyo arrimaha ku xeeran.


Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile  oo kamid ah Baarlaamanka Somaliland  ayaa Muuse Biixi ugu Baaqay inaanu ku deg-degin Saldhiga Milatari ee Imaaraadku doonayo.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment