Daawo C.wali gaas “Maamulka Hargaisa Waxa uu Garab iyo Gaashaan u yahay Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish”

Bulsha:- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali  Gaas, oo shir jaraa’id ugu qabtay garoowe ayaa ka hadlay Duulaan Somaliland ku Qabsatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Puntland.


Gaas ayaa ku dhaliilay Somaliland oo uu sheegay inay weerarkan kusoo beegtay xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu ku suganyahay Puntland, taasoo uu tilmaamay inay carqalad ku tahay geedi socodka nabadda, Wuxuuna xusay in arrintan tahay farogalin qaawaan oo lagu hayo xuduuda Puntland, isagoo xusay inaysan u dulqaadan doonin daandaansi ka dhan ah nabadgalyada Iyo xasiloonida maamulkan mudada dheer kusoo jiray.

Cabdiwali Maxamed, ayaa sidoo kale Somaliland ku eedeeyay inay garab iyo gaashaan u tahay Argagixisada, wuxuuna yiri, “Sidaad ogtihiin Puntland waxay dagaal kula jirta kooxaha Daacish iyo Al Shabaab, waxaana duullaanka qaawan ee maamulka Hargaysa uu Garab iyo Gaashaan u yahay Argagixisada.”
Shacabka Puntland ee dalka iyo dibadaba ku dhaqan ayuu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalka Iyo ilaalinta xuduudooda, wuxuuna dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka u diray fariin ah in arrintaas wixii ka dhasha ay mas’uuliyadeeda leedahay Somaliland.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment