Turkey oo furay saldhigii 2-aad ee Afrika iyo Carabta oo godkooda uu biyo ugu galay!

Bulsha:-    24 Bishaan ayey Turkey iyo Sudan kala saxiixdeen 12 heshiis oo uu ka mid ahaa in Jazeerada SAWAAKIN ee Badda Cas lagu wareejiyo Turkey iyaga ka dhisi doona xarumo Milatery, Dalxiis iyo Matxafyo Taariikhdii Dawladii Cusmaaniyada ee xukumi jirtay Xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ee Bariga Afrika Qarniyadii 16 aad ilaa 19 aad.

Dawladii Cusmaaniyada ama Dawladii Khilaafada Islaamka oo Saldhigyo Milatery iyo Maamul ku laheed Dekedaha Sawaakin iyo Zaylac ee Badda Cas mudo 4 Qarni ah ayuu Madaxweyne Ordogan u muuqdaa in uu go’aansaday soo celinta Taariikhdii Turkey iyo Dawladii Islaamka isaga oo wajahaya culeys adag oo kaga imaanaya qaar ka mid ah Dawladaha Carabta, Reer Galbeedka iyo Israel.

Qarnigii 20 aad markii uu burburinayey Gumeysigii reer Galbeedku Dawladii Cusmaaniyada ee fadhigeedu ahaa Istanbul waxaa loo adeegsaday qaar ka mid ah wadamada Carabta gaar ahaan Khaliijka, iyada oo xilligaas lagu kiciyey laguna abaabulay (Yaa tola-heey! Carabtii Asharaafta aheed ayaa Turkey gumaysanayaa!).



Maantana taa oo kale ayey dib usoo celiyeen, markii lafa caay iyo awoowe ku faan ay gaartay oo “Cabdalla Bin Zaayid yiri; Ordogan Awoowe-yaashii tuugo ayey ahaayeen, Dahab iyo Khayraad kale ayeyna ka xadeen Madiina Al Munawara, halka Ordogan ugu jawaabay in Cabdalle Awoowe-yaashii ahaayeen; daba-dhilifyo u shaqeeya Gumeystihii Ingiriiska).

Sanadkan iyo Sanadkii hore ayey Turkey ka fureen Somaliya Safaaradii iyo Saldhigii ugu weynaa ee Dawlada Turkey ka furto goob ka baxsan Dalkeeda Qarnigii lasoo dhaafay, waxaana Maseyr iyo Madax-xanuun ka qaaday arintaas qaar ka mid ah Dawladaha Carabta gaar ahaan Imaaraat, Sacuudi iyo Masar lkn si toos ah uma eedeyn Turkey ee waxey marmar-siimo ka dhigteen; Khilaafka Khaliijka, Maamul gobaleed, Dekedo, Saldhig Berbera, Siyaasiyiin ay madaxti-nimo u rabaan iwn.

25 Bishaan markii Madaxweyne Al Bashiir ku wareejiyey Jaziirada Sawaakin Turkey ayey afka furteen ilaa ay ku eedeeyaan Al Bashiir in uu yahay Khaa’in ku gabood falay Amniga Carabta, qaarna ay gaarsiiyeen; in Sudan iyo Somaliya yihiin; Cabiid u xiistay adoonsigii Turkey!

Si kasta ha loo cabiro ama ha loo qarsado ee waxaa cad qodobada kala ah:

1-In Dawlada Turkey noqotay Quwad iyo Awood saameyn ku leh

Gobalka Bariga dhexe, Carabta, Afrika iyo Dunida Islaamka.

2-In Dawladaha Carabtu ay galeen go’doon Siyaasadeed gaar ahaan Xulafada Sacuudiga markii ay Cadaw ka dhigteen Turkey iyo Iiran, Shucuub-tooduna weli diidantahay xulafeysiga Israel.

3-In Sudan iyo Somaliya Carabtu aysan u ogoleen hurumar sida iyaga oo kale ama heshiis ay la galaan Dawlado kale.

4-In Xulafada Sacuudigu aaney kaligeed taagnaa karin Xulafa la’aan hadii ay lumiyaan Xulafada Turkey iyo Iiran waxaa cabsi laga qabaa in ay ku biiraan Xulafada Israel ee Gobalka ayna lumiyaan Qudus iyo Dawladaha Carabta ee taageera Turkey iyo Iiran.

Hadaba Dawlada Somaliya waxaa horyaal laba Khiyaar oo mid kasta adag yahay isla markaana kala ah:

A-In ay isku hayso xiriirka Dawlado kala Maseyrsan, Cuqdad iyo Hinaaso kala qaba, kala jiidanaya Siyaasiyiinta Somaliya sida; Imaaraat, Sacuudi iyo Masar VS Turkey, sida Jabuuti isugu hayso Dawlado is diidan.
B-In ay reebato kuwii dan badani ugu jirto kuwa kalena iska erido, hadii kale xasilooni siyaasadeed lama heli karo inta dusheeda la isku haysto!.

W/Q: Maxamed Gacal










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment