Raga Soomalida Jacayl Iyo Romantic Waxba Kama Yaqaaniin !!! Run Mise Been?

Bulsha:-  Ninka soomaaliyeed waa nin qalafsan oo aan kalgacal iyo naxariis waxba ka ogayn, ninka soomaaliyeed ma yaqaano sida xaaskiisa loo koolkooliyo, ninka soomaaliyeed waxba kama yaqaano romantic, ninka soomaaliyeed ninka soomaaliyeed ninka soomaaliyeed waa sidaas iyo sidaas…. Waa hadalo ay isla dhex maraan hablo iyo dumar badan oo soomaaliyeed, hadaba hadaladan maxaa ka jira, maxaa ku kalifay inay in aad u badan oo dumarka soomaaliyeed ahi ay isku raacaan arintan.

Waa run hadalada qaar oo waxbaa ka jira qaarka kalena waa buun buunis oo dadka Ilaahay swt uu abuuray isku wada mid maaha oo waxay noqonaysaa cadaalad daro in nimanka soomaaliyeed la isku wada daro oo hal salad lagu wada rido.


Muujin Kaliya
Ninka soomaaliyeed romantic wuu yahay hadii dhinac loo eego romanticna maaha hadii dhinaca kale laga eego. Gabadhkastaa way taqaanaa wuxuu ninkeedu ku fiican yahay haba yaraatee, macquul ma noqonayso inuu jiro qof 100% bilaa naxariisa oo aan kalmad macaan laga helayn. Hadaba walaal gabadhii soomaaliyeeday mid xaasa iyo mid aan ahaynba waxaan ku leeyahay dhagaha iyo caqliga yeyna kaa qaadin hadalada ay dad badani isla dhex yaacaan. 50% waan kugu raacsanahay inay wax jiraan oo nimankeenu ayna u dabacsanayn sida qayrkood aniga oo aan odhanayn waa iyaga oo dhan.

Dumarka soomaliyeed iyagu wali miyey is miisaameen tolow inay romantic yihiin iyo in kale, jawaabtu waa may sidaa darteed gabadha soomaliyeedey ha iloowin in qofkastaa nooc uu uyaqaano romantic nimada, ereyga romanticna waa kalmad lagu soo koobay jacaylka iyo kalgacalka, hablaha qaar waxay ka helaan in ninkoodu uu ahaado mid daqiiqad kasta ag taagan oo isku xoqoya iyada, qaar kalena waxay u arkaan inay tahay diiqad oo waxay odhanayaan muxuu iga aqbanayaa markasta naqaskii ayuu iga xidhay iwm. Halkaas makaaga cadahay walaal in dadku ay kala dookh iyo dhadhan duwan yihiin. Hadii ninkaagu uu kuu qabto wax aad jeceshahay oo aad ku raaxaysato markuu kuu qabto romantic nimada la sheegayaaba waa taas, adiga weeye markaa qofka og ee eegaya waxa ku raali galiya ee aad ku raaxaysato.

Hadii aan maanta ku idhaahdo anigu ninkaagu marka uu cuntada kuu kariyo ayaa romantic ah, hadii aad tahay hablaha aan jeclayn in ninkoodu cuntada kariyo markiiba waxaad la soo boodaysaa taasi romantic maaha, waa runtaa oo romantic maaha maadama oo ay adiga kula xun tahay. Sidaa darteed waxaa kuu cadaanaysa in dookhu uu yahay romantic.

Waxaa aad iyo aad muhiim u ah inaad eegto qaabka aad jeceshahay adigu ee aadan eegin qaabka dadka kale u arkaan romantic inay tahay, hadii ninkaagu uu ku xun yahay inuu cabiro ama muujiyo dareenkiisa waxaa lagaa rabaa adigu inaad ku caawiso sidii uu kuugu muujin lahaa dareenkiisa.

Romantic nimada laguu sheegayaaba waa dareenkiisa oo uu qofku ku cabiro qaab ama qalab.

Hablaha aan wali guursan waxaan ku leeyahay ninkaagu wuxuu noqon doono horta Ilaahay swt ayaa oge inta aad ku mashquulsan tahay ninka soomaaliyeed romantic maaha, isku mashquuli sidii aad adigu isu baran lahayd ee aad u ogaan lahayd nolosha guurka maxaan ka helaa iyo maxaanan ka helin, si hadhow markaad guursato aad ugu sheegato isaga waxa aad ka hesho iyo waxa aadan ka helin. Hadii kale waxaad ku danbaynaysaa inaad noqoto mid ra’yiga dadka kale ku nool oo aan aqoon dookheeda, waxaad noqon doontaa hablaha lala soo taliyo habeenka arooska gudihiisa ee kolba qof dhagta wax u saaro mid ku tidhaahda caawa 5-6 labiso oo markasta labis nooca xidho oo habeenkii oo dhanba ku dhamee musqusha iyo kabadhka dharka dhexdiisa iyo mid dhegta kuu saarta in aadan dareenkaaga tusin ninkaaga oo aad iska dhigto sidii qof mayd ah oo kale iwm.

Hamigaaga ugu wayn ka yeel sidii aad u baran lahayd waxa aad ka hesho iyo waxa aadan kahelin, inta aad ku mashquul san tahay ninka soomaaliyeed romantic maaha.

Waxaa hubaala in ninka soomaaliyeed uu ilbaxay oo uu horumar gaadhay sidaa darteed wuu la socdaa xaaladu sida ay tahay oo wuu isku maqan yahay isagaba, hana iloobin in umadkastaa ay si iyaga u gaara ay isu koolkooliyaan, sida darteed dhaqankeena soomaaliyeed qaabkiisa uu u arko romantic iyadana ha iloobin.

Ugu danbayntii ninka soomaaliyeed romantic maaha hadii qaabka uu kuu koolkoolin lahaaba uuna ogayn oo aadan u sheegan adiguba, niman badan waxay aad isoogu mashquuliyaan sidii ay hadiyad ugu gayn lahaayeen xaaskooda, ciladuse waxay tahay ma yaqaano maxaad ka heshaa iyo maxaadan ka helin. Waxaad la soo boodaysaa oo muu ogaado maadama oo aan xaaskiisii ahay, waa runtaa oo aad ayaan kuugu raacsanahay taas, hadii uuna dan ka lahayn adigu ka dhaadhici oo tus nooca aad ka hesho hadiyadaha oo kalsooni buuxda sii wuxuu kuu keenana ha yasin oo xaqirin. 

Romantic iyo koolkoolis midna kuu dhadhami maayo marba hadii aadan ogayn maxaad ka heshaa, ma hadiyad baakad shukulaato ah ayuu kuu keenaa mise wuxuu kuu keena dharka hoosta laga xidho mise mise… intaasi hadii ayna kuu kala cadayn adigaa u baahan darsi romantic ah walaashayeey.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment