Qaabka Ugu Sahlan oo Xaaskaada Ugu Dhiga Karto Mid Aad Kuu Jecel.

Bulsha:-  Marka hore jacaylka waa qalbiga  hadaba inta badan waxaan diirada saarnaa sidii loo heshiisiin lahaa lamaanayaasha soomaaliyeed oo aad moodo in xiriirkooda jaceyl kii aay isku guursadeen aay kasiii gaabinayaaan.

Qodobadani iyo qodobada qaarb waxeey qaas u yihiin qofka xaas leh ama seey leh, maahan inaan ka hadleyno lamaanayaasha soomaaliyeed xiliga haasaawaha, kuwaasi wakhtigooda ayaan kahadalnaa wakhtina qoysaska dhisan ayaan ka hadalnaaa.

Hadaba akhristoow qodobada aanu fareeyno kuwa is qabaa adigoo qoys laheyn haku dhaqmin waayo danbi ba kaasoo gaari karo, isbuuciiba sadax qormo ayaanu soo qaadanaa labo waa kuwa lamaanayaasha midka kalena waa qoysaska soomaaliyeed sidii aay usii adkeyn lahaayeen jaceylka ka dhaxeeyo.


Qodobka koowaad ee aad jaceylka adiga iyo lamaanahaada idiinka dhaxeyo aad ku hormarin kartaa wa adigoo ku fikirin adiga iyo xaaskaaga/seeygaaga inaad labo kala tihiin , kaba soo qaad adinkoo hal ah wax walbo oo aay naftaada jeceshahay la jecloow, sidaad u jeceshahay in aay kugu naxarisato adne ugu naxariiso, sidaad u
jeceshahay in xumaanta lagaa illaaliyo adne ugu illaali, wax walbo oo aad naftaada u sheegi laheyd ama aad rajeyneyso lamaanahaada la wadaag maadaama aad hal naf inaad tihiin kaso qaaday, in lagu midoobo nolosha oo hal lagu noqdaana waxeey aad usii adkeeysaa jaceylka idiinka dhaxeeyo kaasoo maguuraan idiinku sii noqonayo…

Qodobka Labaad, lamaanahaada jaceylka aad u qabto mar waliba afka ha ugu sheegin mar mar isku day inaad xarakaad ahan ugu sheegto, sida xiliga uu tv-ga daawanayo intaad gadaal kga imaato oo aad qoorta ka shumiso, taasi wxey ka mid tahay adigoo jaceylkaaga si xarakaad leh ku sheegtay, isku day mararka qaar inaad ku dadaasho sidii aad uwada qabeysan laheedeen, cijiyaha iskaga jari laheedeen, I.W.M kuwaasi oo reebo xasuus jaceyl mida ugu kulul.

Qodobka Sadaxaad, isku day inaad lamaanahaada quraac, qado, iyo cashaba aad ugu talo gasho shumis, xusuusnoow shumisyada ayaa kala duwan oo habab kala wanaagsan ka turjumayo, sadaxdaas wakhti ukala badbadal shumiska, ogoow shumiska aad lamaanahaada ka shumiso labada indhood wuxuu ka turjumayaaa, inaad raaliyo u tahay rali buuxana had iyo goor aad ku tahay.

Hadaba akhristoow jaceylka dhabta ah iyo macaanta nolosha waxeey ku jirtaa adinkoo diinta islaamka u barto sida dhaqanka qoyska taasina waxeey kaalinta ugu horeeyso ka qaadataa jaceyl aan ebid salguurin.



Ugu danbeyntii waxaan xusuusinayaa dhamaan mucaashiqiinta soomaaliyeed in aay muhiim tahay in lamaanahooda aaysan ka eegin meelaha uu ka xunyahay, ogoow meel haduu ka xunyahay meel ayuu ka fiicanyahay, qofna dhan weliba kama dhameystirno sida xaqiiqda ahba, sidaa awgeed mar weliba isku day qeybaha uu ku wanaagsanyahay inad ka eegto, taasoo sii hormarineyso jaceylka idiinka dhaxeeyo











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment