MUUQAAL: Diyaaradii Somali Airline oo Wakhti dheer Kadib, Dib loo Howl-gelin Doono iyo DF-Soomaliya oo shaacisay

Bulsha:- Wasiirka duulista hawaada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaal ay Wasaaraddu wado, kuwaasi oo dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.


Omaar ayaa sheegay inay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo, isagoo xusay in daraasaad ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay calamada dowladaha, dhawaana ay si rasmi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.

“Garoonka diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah, hadda waxaa ku soo dega duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline iyo Jabuuti, Sidoo kale Kenya Airways ayaa la filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo, wuuna socda qorshahaasi” ayuu yidhi Wasiir Oomaar.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment