Maxaad ku noqon kartaa Nin Romantic -Talo ku anfacaysa

Bulsha:- Kaga farxi marmar xaaskaaga inaad banaanka ka soo cuntaysiiso, hadii ayna jeclayn taas banaanka u kexee oo gee suuqyada iyo meelaha ay ka hesho xasuusana in jeeb kaagu uuna madhnaan.

Marka aad fasax tihiin labadiinuba filan waa usamee tusaale: inaad aroortii ka hor toosto oo aad u samayso quraac ay jeceshahay, kadibna si qurux badan intaad u diyaariso sariirta ugu gee adigoo ereyo naxariisleh u raacinaya.

Barkinta hoosteeda ama khaanada ay ku gurato dharka u gali shukulaato nooca ay jeceshahay, kadibna waxaad dusha kaga dhajisaa waraaq ay ku qoran tahay ereyo jacayl sida: waxaad ka macaan tahay shukulaatadan iwm.

Ha iloobin maalin kasta inaad u qorto SMS gaaban oo aad ugu cabirayso sidad u jeceshahay.

Marmar usoo dir waraaq ama postcard aad ugu soo dirayso adareeska guriga, xasuuso waraaqda waxaad u diraysaa gabadhii aad jeclaatay ee aad noloshaada maalmaha u macaan la qaadatay. Ogow in dumarku ay jecel yihiin filan waaga sida oo kale ah.

Sanadkii hal maalin aad adigu ogtahay udiyaari sidii aad xaaskaaga uga dhigi lahayd boqorada ugu qaalisan aduunka. Qaabka aad boqorada ula dhaqmayso adaa og.

Usoo iibi xaaskaaga dharka hoosta laga xidho adoo dookhaaga usoo qaadaya, kadibna sidii hadiyad ugu keen.

Marka ay umusha ka baxdo kadib ku caawi xaaskaagu sidii ay isooga ridi lahayd kg-ka ku siyaaday, adigoo ayna kaa ahayn hadal kaliya laakiin hadal iyo ficilba ku caawinaya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment