Lamaanaha Is Jecel Shaki dhan daaqada ayay ka tuuri karaan Waa Hadii—-(Akhriso Qodobadan)

Bulsha:- Lamaanaha Is Jecel Tala wanaagsan ayaan maanta u haynaa oo hadii warkaisii.com ay hadalkan xikmadaysan ka qaataan aad u anfici doonta ismarkaana ay daaqada ka turayaan Shakiga soo kala dhexgalo badanaa.

1-Ogow Shakiga Ma Aha Maseer : dhibka taagan waxa uu yahay dadka oo isku qalda maseerka iyo shakiga farqi weyn ayaa u dhaxeeya maseerka muujiya jaceylka waa as-aaska guriga balse shakiga waa dilaaga ugu daran nolosha qoyska , waxa uuna shaki marqaati u yahay in kalsoonidii ay baa`baday hadaba labada lamaane waxaa la gudboon in kalsoonida xoojiyaan oo shakiga aysan fusrad siin

2- Saraaxadda : saraaxada waa cadawga dila shakiga , haddii saraaxad iyo runta yihiin askaaska nolosha guriga boos uma banaana shakiga , kala qarinta arimaha iyo saraaxad la`aanta ayaa dhaliya shakiga .

3- In Wararka La Iska Dhalin : Shakiga waxa uu soo muuqdaa marka labada lamaane bilaabaan in arimaha kala baxaan hadalka midka kale oo waxa ay niyaysanayaan in ay gartaan waxa ku jira maanka qofka kale ,
haddii midkiina uu doonayo in midka kale wax ka ogaado kaliya toos ha weydiiyo halkii hadalkiisa iyo qiyaas uu ku raadin lahaa.


4- Muujinta Kalsooni : kalsoonida mar waliba ayaa loo baahan yahay , hadii midkiina mdid kale ka shakinayo kalsooni ma imaaneyso waxa muhiim in la is weydaarsado kalsooni buuxda .

Shaki malahan mar hadii aad intan oo qodob toos u dhagaysatid oo aad fulisid in aad faa’iidi doontid oo meesha ka saari kartid dhankaaga dhaqanka adiga iyo qofka Nolosha siisay idinka dhaxayso qof walbow dhankaaga fuli si dhanka kale uga yaabsatid shaki la’aanta.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment