Kenya oo dalbatay in kiiska muranka Badda Lagu dhameeyo wada-hadal

Bulsha:-  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in mowqifka Kenya ay ka taagan tahay muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ay tahay meeshii ay horay uga taagneyd.

Githu Muigai ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal

“Meesha aan Dacwadda ka taaganahay waxay ku qorantahay Sharciga Badaha ee QM iyo Go’aano kale oo Madaxda Wadamadda Midowga Africa ay qaateen 1964tii” ayuu yiri Githu Muigai oo qoraal xafiiskiisa ka soo baxay lagu qoray Wargeyska Nation.

Horaanta sanadka 2018 ayaa la filayaa in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague inay soo saarto qaabka looga hadlayo dacwada badda

Muranka Badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa mid soo socday saddexdii sanno ee u dambeysay, iyadoo horaantii sanadkan ay Maxkamadda Hague ay xukmisay in kiiskan ay maxkamadda qaadi karto, iyadoo diiday dalabka Kenya ee ahaa in muranka wada hadal lagu dhameeyo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment