Halkee ku sugan yahay Fanaan Nimcaan Hilaac oo ay weerareen ciidamada Somaliland?

Bulsha:- Laamaha Amaanka ee MaamulkaSomaliland ayaa wali ku Mashquulsan Soo Qabashada Fanaanka Shacbiyada Badan ee Nimcaan Hilaac Waxaana ciidamadaasi aysan Wali ku Guulaysan Soo Qabashada Fanaankaasi inkasta oo uusan Waxba Galabsan.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa Sabtidii weerar ku qaaday guriga Qoyska Fanaanka caanka ah ee Nimcaan Cabdiraxmaan (Hilaac) oo dhawaan dib ugu noqday magaaladii uu ku dhashay.

Rasaas ayaa lagu riday guriga qoyska Fanaanka, iyadoo ay ciidamada xabsiga dhigeen Aabaha dhalay Nimcaan iyo qaar kamid ah walaalaha iyo qoyska halkaasi ku sugnaa.

Shacabka magaalada oo ka careysan falkan ay ku kaceen ciidamada Somaliland, ayaa dhagaxaan kala hortagay ciidamada oo iyaguna rasaas ku jawaabay.

Hooyada dhashay Fanaanka oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay la yaab ku noqotay weerarka lagu soo qaaday, iyadoo Nimcaan uu joogo goobtii uu ku dhashay, waxayna sheegtay in aabihii dhalay fanaanka oo ah askari ka tirsan ciidamada Somaliland laftiisa xabsiga la dhigay.

Nimcaan Hilaac oo ah fanaan si weyn looga jecelyahay guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa ah nin aan badanaa dhexgelin siyaasada, inkastoo maamulka Somaliland uu horey u xiray fanaankaasi kadib markii uu safar uga soo noqday magaalada Muqdisho.

Nimcaan Hilaac oo isagu ah muwaadin Soomaaliyeed oo aan ka gaban inuu muujiyo jaceylka uu u qabo Somaliweyn, ayaa dhawaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo dalka Jabuuti.

13kii bishan December ayuu Nimcaan dib ugu noqday magaalada uu kasoo jeedo ee Borama, isagoo kasoo galay dhinaca xaduuda Jabuuti. Waxaana si weyn usoo dhaweeyey Shacabka Borama oo ku dhawaaqayey “Soo dhawoow Nimcaan Soo Dhawoow…”
Illaa iyo hada lama oga halka uu ku sugan Nimcaan Hilaac tan iyo intii ay ciidamada Somaliland weerareen guriga uu ka degenaa magaalada Borama.

Somaliland oo sheegta in ay dimuquraadi tahay ayaan u dulqaadan in muwaadiniinta caan ka ah ee kasoo jeeda deeganadaasi ay booqdaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaan horey dhulka Somaliland loogu xiray dad rayid ah oo xirtay dhar uu ka muuqdo astaamaha ama calanka wadanka Soomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment