Habab Kuu Sahlayo Inaad Dib U Hanato Quluubta Jaceylkaagii Hore Ee Aad Kala Harteen Welina Aad Jeceshahay.

Bulsha:- Dadyoowga dunida ku nool weey ku kala duwanyihiin, diimaha, hab dhaqanka nolosha, labiska, fikradaha, iyo weliba luqadaha, lakin waxaa hubanti ah in laga wada simanyahay jaceylka, in la isjeclaado hadana lakala haro, maahan sheey qoowmiyad keliya ku eg ee waa laga wada simanyahay dhamaan aduun weynaha.

Hadaba shabakada www.kobciye.com waxeey kusiineeysaa qaabab kuu sahlayo inaad lamaanahaadii hore ee jaceyl wadaaga aheedeen balse wakhtigu idiin kala reebay hadaad weli jeceshahay sidii aad u kasban laheyd quluubtiiisa.

Ka hor inta aadan isku dayin inaad dib u hanato lamaanihii aad jaceylka soo wadaagteen waxaa lagama maarmaan ah inaad ogaato weli inuu kaa taxadarayo ama qadarin kuu haayo, qofka haduu amr qadarin kuu haayo waa sahal sidaad kusoo ceshan karto adigoo wakhti badan aadan lumin kana faaideysanayo qadarinta laguu haayo.

Qodobka Koowaad, isku day in aad lamaanahaadii hore marka aad wada sheekeysaneysaan hadii aay noqon laheyd qoraal ama hadalba inaad dib uxasuusisid jaceylkeenii qaasatan wakhtiyadii farxada iyo dhibaatooyinka aay idiin soo wajahayeen, isku day inaad qalbigiisa ku beertid siduu dib ugu milicsan lahaa jaceylka idiinka dhaxeeyay qaasatan markii aad adigu xad dhaafka u jecleyd welina sidii aad u jeceshahay.

Qodobka Labaad, hadii aay jiraa hadiyado aad lamaanahaada ka haaysato tusaale ahaan dhar isku day maalinta aad la kulmeeyso inaad soo xirato dharkaasi ama hadiyada aad ka haaysato adigoo la eeganayo, wakhtiga uu faraxsanyahay.

Qodobka sadaxaad, wakhti xaadirkaas la joogo usheeg inaad ka fikireeysid inaad dib u heli kartid iyo in kale si aad jawaab ugu hesho balse qodobkaan sadaxaad haku degdegin illaa aad labada qodob ee kor ku xusan aad meel ku hubsato.

Qodobka afaraad, hadii aad dooneysid in aad soo ceshato jaceylkaagii hore waxaa lagama maarmaan ah inaad xiligaasi qof kasto oo aad xiriir hoose aan dheereyn la leedahay inaad gooysid, si jaceylkaagii hore kalsooni iyo soo noqoshaba aad ugu beerto.


Waxaa jiro hababkaan aan kor kusoo xusnay habab aad iyo aad ugu duwan oo lamid ah sidii lagu soo ceshan lahaa jaceylkaagii hore ayadoo markaasi la eegayo xaalada la joogo, hababkaas dib baan ayagana ugu hadli doonaa dhawaan haduu EEBE idmo….

Ugu danbeyn waxaan kuugula talinayaa hadii aad qoys yeelatay oo aad dooneysid inaad lamaanahaadii hore dib u hesho taasi iska illoow oo macno weyn kuuma lahan, waayo qofna iskuma imaanayo, qof qoyskiisa kasoo tagayo dhankiisa usoo badanayo, hadii aay dhacdana ogoow qofkaad qoyskaaga u jartay in uu asagana dantiisa uun kaa gaarayo.

Hadaba xusuusnoow in nolosha macaanteeda aay ku jirto qof adiga ku jeceyl adigana aad jeceshahay hadii aad tahay marwo ama xaasle hadaba ka fogoow qof nolol kale galay inaad dib usoo ceshato, udaa nolosha uu dhex maquuranayo waa hadii aad jeceshahay, si adigana nolol midaa lamid ah aad u hesho.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment