Faarax Macalin oo Farmaajo & Kheyre ugu baaqay arrin dhibaato ku noqon doonta danaha Imaaraadka ee Somalia (Akhriso)

Bulsha:- Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, ayaa dowlada Federaalka ah ee Somalia ugu baaqay in dalkeeda ay ka eryiso dhammaan Diblumaasiyiinta iyo Saraakiisha ciidan ee Imaaraadka ka jooga Somalia.

Faarax Macallin , ayaa qoraal uu kusoo daabacay bogiisa Twitter-ka ku sheegay in dowlada Imaaraadka carabta ay u bareereyso dhibaatada ay ka dhexwado Somalia.

Faarax Macallin, waxa uu sheegay in Imaaraadka ay ka gudubtay xeendaabka diblumaasiyada waxa uuna Madaxda ugu sareysa Somalia ugu baaqay inay jaraan dhammaan xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka, maadaama ay dhibaatooyin u maleegayaan Somalia.

Faarax Macallin  ayaa yiri ” Farmaajo iyo Kheyre, ka saara Imaaraadka Muqdisho, Ilaahay dartiis, xira safaaradooda, Saldhigyadooda Milatari ee Muqdisho’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Haddii sirdoonkiinnu hayo caddeymo ku filan in Imaaraadka uu Somalia ka wado arrimo argagixiso wey idinku filan tahay ee go’aan ka qaata Imaaraadka’’
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeysan inay qalqal amni iyo mid Siyaasadeed ku heyso Somalia, waxaana xusid mudan in Guddiga dabagalka Hubka Sharci darada ee QM ay dhowr jeer Imaaraadka ku eedeeyen inay Somalia galiso Hub sharci daro ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment