Dhaxal sugaha Sacuudiga oo loo aqoonsanaayo qaswade boholo mugdiya kuwada mustaqbalka wadanka…

Bulsha:- Qaramada Midoobay ayaa loogu baaqay inay xayiraad kusoo rogto amiirka dhaxal sugaha ah ee dalka Sacuudiga Mohammed bin Salman oo lagu eedeeyay xadgudubyo loo geystay Yemen.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa QM ugu baaqday inay hakiso dhammaan dhaqdhaqaaqyada Bin Salmaan, iyadoo loo aqoonsan doono qaswade.

Akshaya Kumar, oo ah ku-xigeenka Agaasimiha hay’adda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch, ayaa sheegtay in Bin Salmaan uu halis ku yahay rajada shacabka Yemen, waxa ayna ku talisay in la cunaqabateeyo.

Akshaya Kumar, waxa ay sheegtay in dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya uu ka masuul yahay xadgudubka gudaha Sacuudiga iyo dhibaatada bani’aadamnimo ee sii socota ee ka jirta dalka deriska la ah ee Yemen.”

Kumar ayaa sheegtay in dib u habeynta Mohammed bin Salman, sida haweenka u oggolaanaya in ay wadaan gawaarida, furitaanka waxbarashada jimicsiga ee gabdhaha, iyo masraxyada filimka in ay furaan, ay ahaayeen tallaabooyin muhiim ah, balse waxa ay ka digtay dhibaatooyinka  Amiirka u ka gaysanayo meelaha kale.

Akshaya Kumar, oo arrinkaas ka hadlaaya ayaa tiri “Dagaalka Yaman, iyo doorka weyn ee xilka  wasiirka difaaca, ma aha kuwa  si aan fiican u sharxi kara hoggaamiye dhalin-yar ah,” oo aragti iyo isbadal doon ah ayay tiri.
Dhinaca kale, Kumar ayaa hadalkeeda raacisay maaddaama xaddidaada la saaray Yaman ay halis galinayso qarkana ay u saaranyihiin malaayiin qof macaluusha iyo faafinta cudurrada caadiga ah ee la daweyn karo, ma aha in Amiirka Mohammed bin Salman loo ogolaado inuu suubiyo waxa uu rabo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment