Daawo Sawirro: Fannaanka Qoomaal oo lagu Xidhay London & Xukun lagu riday

Bulsha:-  Maxamed Axmed Qoomaal fanaanka Soomaaliyeed ee da’ada ah ayaa maxkamad ku taal dalka Ingiriiska waxa ay ku heshay dambi ah inuu si qaldan u qaadanayay lacagta ceyrta ah uuna sameeyay been abuur.

Qoomaal oo 72 sano jir ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu qaadanayay sanad walba lacag gaareysa £39,000 isagoo jooga Soomaaliya kadib markii uu adkeysan waayay qabowga ka jira wadanka Ingiriiska, waxana uu u soo aaday dalkiisa inuu helo kuleylka cadceeda.

Sidoo kale Qoomaal ayaa lagu eedeeyay in uu ku sameeyay shaabad been abuur ah baasaboorkiisa Britishka ah si aan loo garan in uu ka maqnaa wadanka Ingiriiska.

Qoomaal ayaa qirtey dambiyada lagu soo oogay waxaana la sheegay in uu joogay dalka Ingiriiska muddo 15 sano ah balse waxa uu marwalba u baahnaa in uu helo qof u tarjuma xilligii maxkamadeynta.

WAA KUMA QOOMAAL  ? HALKAN KA DAAWO HEES UU QAADAY 

Maxkamada ayaa dambi oogayaasha waxa ay u sheegeen inuu doonayay Qoomaal in meel kulul uu ku noolaado isagoo dib ugu soo laabtay UK markii uu maqlay in loo raadinayo in su’aalo la weydiiyo.

“Waxa uu ugaga dhoofay UK tikit furan mana soo laaban. Waxa uu siiyay furaha guriga uu si gaar ah ugu noolaa dad kale kuwaasoo degenaa intii uu ka maqnaa wadanka UK.”ayuu sii raaciyay xeer ilaaliyaha maxkamada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment