C/raxmaan C/shakuur oo howgal Amni ku dhaawacmay Iyo Ciidamada NISA oo Gacanta ku dhigay Caawa (Faah-faahin)

Bulsha:-    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa rasaas caawa saqda dhexe ka dhacday magaalada
Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay galeen guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee u dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo howlgal amni loogu diray, balse ay ka ka hor yimaadeen ilaalada siyaasiga.

Wararka ayaa sheegaya inuu C/raxmaan C/shakuur  dhaawac Fudud kasoo gaadhay iska hor imaadka, Halka wararka qaarna ay sheegayaan inuu Caafimaad Qabo,   isla markaana ay ciidamadu qabteen, waxaana siyaasiga la wareegay ciidamada NISA oo howlgalka ka fuliyay guriga siyaasiga.

Xaaladda ayaa hadda degan iyadoo aanay jirin wax rasaas ah oo dhaceysa, wuxuuna iska hor imaadku qaatay muddo 10 daqiiqo ah oo rasaas xoog leh laga maqlay agagaarka Garoonka Muqdisho.
Lama oga cidda bixisay amarka lagu soo qabtay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo caawa ku dhaawacmay howgalka ciidamada NISA, waxaase hadda xaaladiisa gacanta ka haya ciidamada, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka,  wuxuuna hada ku sugan yahay  xarunta Taliska Ciidanka Nabad sugida ee kuyaala Guriga Habar Khadiijo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment