Arrin cusub: Koox dil qorsheysan la damacsanaa Erdogan oo gacanta lagu dhigay (Warbixin)

Bulsha:- Ciidamada Giriiga ayaa gacanta ku dhigay Koox isku diyaarineysay inay toogasho ku dilaan Madaxweynaha Turkiga Rrdogan intii uu ku sugnaa Greece.

Warbixin lagu daabacay Wargeyska To Vima ee dalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxdan ay ahaayen shabakad loo diyaariyay inay dilaan Erdogan.

Kooxdan dilka qorsheyneysay ayaa la sheegay in tirro ahaan ay ka koobnaayen 9, isla markaana ay ka tirsanaayeen Xisbiga Kacaanka ee magaciisa loo soo gaabiyay DHKP-C.

Kooxdan ayaa dilka Erdogan u adeegsan lahaa sida uu qoray Wargeyska To Vima hubka noocyada culus sida Basuukayaal, Bam gacmeedyo iyo Hub kale oo awood leh.

Kooxdan ayaa la xaqiijiyay in weerarka ay ka geysan lahaayen laba dhinac oo ay kaga qaadi lahaayen Gaadiid galbineysay Erdogan.
Sarkaal u hadlay ciidamada amaanka Greece ayaa sheegay in iminka ay ku howlan yihiin qorshaha lagu soo qaban lahaa Hubka loo isticmaali lahaa weerarka ka dhanka ah Erdogan.

Dhinaca kale, Kooxdan weerarka qorsheyneysay ayaa kasoo jeeda dalka Turkiga, waxaana loo adeegsan jiray fulinta weerarada qorsheysan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment