Wax ka baro Dagaalka Qaboow Ee Sariirta Adiga iyo Lamaanahaaga

Bulsha:- Labada qof ee isqaba waxaa la gudboon inay si wanaagsan galmada isugu diyaariyaan. Waa inay qubaystaan, afka cadaysadaan, iscarfiyaan, isqurxiyaan, jawiga guud ee guriga iyo jirkoodana ka dhigaan kuwo ku dhiirrigeliya inay isdoontaan.

Haweeneydu waa inay gurigeeda si wanaagsan u nadiifisaa, u carfisaa, ugu shiddaa qamqam (Uunsi, Cuud, Foox, Qore-qudde, iwm), ku bilbishaa Catar kuna buufisaa Barafuun gaar ahaan nooca uu ninkeedu jecelyahay. Waa inay qolka jiifka ku qurxisaa Daahyo, Dhiinsooleyaal iyo Foodareyaal indhuhu ku doogsadaan, dabeeto intay nalalka iftiinka badan.

ka damiso, udaartaa nal leh midab gaar ah (cagaar, jaalle, amaba guduud), kaasi oo sii kordhinaya quruxda iyo roomaansiyada qolka. Waa inay casho aad u macaan, rabitaanka furta, nafaqo badanna leh u diyaarisaa ninkeeda. Suxuunta ay ku gurayso iyo miiska ay saaraysana nadaafadda iyo quruxdooda aad uga shaqaysaa..

Intay soo qubaysato, waa inay si wanaagsan isu udgisaa. Waa inaanay marnaba illaawin indhaha kuulan, bushimaha iyo wejiga cusburaysan, lugaha iyo gacmaha cillaaman iyo dharka khafiifka ah ee jirkeeda laga dhex arkayo midabka indhuhu ku nuursadaanna leh. Intuu odaygeedu casheynayo, waa inay soo agfariisataa. Dhaqaaq kasta, dhugasho kasta iyo erey kasta oo afkeeda kasoo yeeraa waa inuu batrool kusii daraa dabka qalbigiisa ka aloosan. Waa inuu ku labalabeeyaa ma raashinkaad horta cuntaa mise iyada. Waxa uu markaa ninku billaabaa inuu afka, caloosha, indhaha, dhegaha, sanka iyo dalool kasta oo jirkiisa kamid ah ka shidaalaato.

Ragga qaar baa jira aan ogayn inay dumarku sidooda oo kale dookh iyo dareen leeyihiin, iyaga oo doonaya naag qurux badan oo carfaysa, ha yeeshee aan iyagu waxba isku falin oo siday shaqada uga yimaadaan dhidid, shiir iyo af-ur kula duldhaca, sidaana galmo iyo raaxo uga doona. Ragga caynkaas ah
Haddaba ninku waa inu qubaystaa, cadaysadaa, iscarfiyaa, timaha jartaa oo shanlaystaa (feedhaa), ciddiyaha iska jaraa, shaarubka gaabiyaa, galmadana isugu diyaariyaa sida uu ka doonayo xaaskiisu inay isugu diyaariso
















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment