Qodobo Si Buuxda Kaaga Caawinaya Inaad qofta kacsi ku rido

Bulsha:-   Sheekada aan ku hayo ma aha xatooyadii gacan qaadka balse markaan waa in aad xaddo qalbiga ninkaada , adiga oo galaya isla markaana si sahal ah isaga furaya qufulada saaraan albaabka qalbigiisa .

Ogaaw xoog kuma furi kartid waa in aad furo waliba albaabkiisa ku furtaa , halkii quful oo ku furma waayo lama huraan waaye in aad jibiso .

Gabdho diyaar ,ma tihiin safarkeena ayaan bilaabeynaa , haddii tiro gabdho la helo waa muhiim haddii hal gabar uun timaadana safarka ma joogsanayo oo xogtaaan ayaan soo ogaaneynaa.

Furaha Koowaad: Furaha Aamusnaanta oo ay la socoto eegmo Jaceyl.

Marka uu xanaaqo ninkaada ama uu ku kacsan yahay caruurta haku bilaabin qaylo iyo fal celis ,isticmaal furaha aamusnaanta oo ay la socoto eegmo kalgaceyl , in yar ka dib weydii marka oo dheh “Caroorteyda aabahodoo maxaa kugu dhacay?.

Furaha Labaad: Yeelo fikrad fiican una nuglaaw raali gilintiisa.

Marka uu qilaaf idinka dhex dhaco tijaabi furaha fikrada fiican kuna dhaqaaq in ad ka cudur daarato waxa dhacay.

Furaha Sedexaad: Kalsoonida iyo tix gilinta .

Haddii uu ku soo laabto guriga kuna soo daalay shaqada iyo dhibka haysto , kula deg deg furaha kalsoonida , kuna dhaqaaq in aad dhiira giliso kana yareysid dhibka haysta.

Furaha Afarad: In aad ku hor ixtiraamto caruurtiisa kuna siisid tixgilin .
Ku abuur furaha tix gilinta , lana soco xiliyada hurdadiisa iyo nasashadiisa .kana ilaali in caruurtiisa in ay hortiisa isku qab qabsdaan una kala hormaraan cunada oo bar adaabta cunada .

Furaha Shanaad: In Aadan qilaafin oo aad taageerto ra`yigiisa.

Adiga oo la jooga ehelkisa ama ehelkaada adeegsdo furaha ixtiraamka, kana digtoonaaw in in aad ra`yigiisa ku hor qilaafto ama hadalka ku jarto ma wax uu yiri ku beeniso.

Furaha Lixaad. Furaha Kalgaceylka Iyo U Dhawaanshaha.Dib ugu laabo hab dhaqamadada , marba noc u labiso , timaha u habee , iskuna day in aad hadal macaan ku soo jidatao sida qaali , xabiibi , nolosheyda IWM .

Gabdho ka warama habka xatooyada noocaan ah maxaa kaaga baxay wa muhiim in aan helno fikirkada saliimka iyo talooyinkada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment