Aqri: Idinkaa ku kalifay inay samayso sidaan

Bulsha:- Waxaa hubaal aan la inkiri karin ah in nimanku guud ahaan ay wada rabaan gabadh midab furan, taasina waa mida raadka wayn ku reebtay nafsiyadii gabadha soomaaliyeed. Dumarka qaar waxay gaadheen inay wajigooda ku maydhaan nooc kasta oo kiimiko ah oo u daran jidhkeeda iyo nafteedaba. Waxa ugu wayn ee ku kalifayaana waa qaabka ay u eegayaan gabdha midabka furan bulshadu guud ahaan iyo khaasatan in kamida nimanku. Ictiraafka (recognition) ay ka hesho bulshadu waxay ku reebtay raad wayn nafsiyadeedii sidaa darteed waxay isku mashquulisay sidii ay u heli lahayd quruxdaa la sheegayo.

Doqon iyo habeen ayaa madow, waa hadal hays noqday midka ugu wayn ee ay xujada ka dhigtaan sidii ay wajigooda ugu eegi lahaayeen wax kasta oo ay ku gaadhayso quruxdaa la sheego. Gabadhu inay wajigeeda nadiifiso oo ay ka ilaaliso finaanka iwm, ceeb maaha xad gudubna maaha.

Ugu danbayn bulsho waynta soomaaliyeedow idinka ku kalifaya gabdhu inay samayso sidaa oo ayna wajigeeda uga tudhin sunta la isku cadeeyo, maalinta aad badashaan qaabka aad u eegaysaan gabadha midabka cad iyo darajada aan jirin ee aad gaadhsiinaysaan tii midab furanba, maalintas suga inay iyaduna fikirkeeda badasho. Hadii kale tartanka waji cadaynta dumarka soomaaliyeed meesha uu ina gaadhsiiyo aynu aragno.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment