Xiisaddii Galmudug iyo DF oo ka dartay Qoraal kasoo baxay Galmudug maanta

Bulsha:-  Maamulka Galmudug ayaa soo saaray qoraal uu eedeyn kulu ugu jeeday dowladda federaalka Soomaaliya, xilli uu sheegay in cunaqabateyn dhaqaale oo adag la saaray maamulka. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka Galmudug.

Warsaxaafadeed : Ujeeddo: Eedeyn Madaxda ugu saraysa DFS

Sida aad la socotaan, waxaa ka jiray todobaadyadan dambe magaalada Cadaado , caasimadda ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug, qalalaaso siyaasadeed ka dib markii uu fashilmay Afganbi la doonayay in lagu burburiyo Galmudug 26/09/2017, taas oo qayb mug leh ay ka qaateen xafiiska madaxweymaha DFS iyo Ra’iisulwasaaraha DFS, taas oo wax u dhibaysa hanaanka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxdaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, waxay goor hore ku bilaabeen cunaqabatayn dhaqaale DGGM, ka dib markii ay ka jareen lacagtii kaalmada ahayd ee ay siin jireen. Ka dibna waxay bilaabeen in ay u adeegsadaan hantidii qaranka, Taliyaha Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka Soomaaliya, qaar ka mid ah saraakiisha NISA ee ka howlgala Galmudug iyo shaqsiyaad kaleba bur-burinta maamulka u dhisan Galmudug.

Sidoo kale, waxay abaabulayaan qaar ka mida xildhibaannada Dowlad Goboleedka Galmudug iyagoo ku bixinaya lacaga fara badan si ay madaxweyne ugu doortaan Cadaado dhexdeeda ugu danbayn 22da Oktobar 2017ka, waxayna maleeyshiyaad hubaysan kusoo gurayaan magaalada cadoodo, arrimahaas oo dhalin kara iska hor imaad ay ka dhalan karaan wax walba.

Dhamaan falalkaas kor ku xusan waxay dhacayaan xilli dalku uu ku jiro Tacsi iyo Baroordiiq qaran oo loo murugoonayo xasuuqii shacabka loogu geystay qaraxii ka dhacay Muqdisho 14/10/2017, iyadoo aduunku tacsi iyo gurmad inoo fidinayo, shacabka reer Galmudugna ay u dheertahay qalalaasa siyaasadeed, amni darro iyo cunoqabatayn dhaqaale oo ay ku hayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha DFS, taas oo horseedi karta in ay wajiyo kale qaadato xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee hadda ka jirta Galmudug.
Sidaas darteed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wakiilka Gaarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Madaxda Urur Goboleedka IGAD, Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada iyo dhamaan Dalalka aan saaxiibada nahay ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaan ka codsanaynaa in ay si deg-deg ah usoo faragelinyaan gardarada qaawan ee Madaxweynaha DFS iyo Ra’iisulwasaarihiisu ku hayaan Dowlad Goboleedka Galmudug, waxna ay ka qabtaan ka hor 20ka Oktbar 2017ka, inta aanay xaaladdu faraha ka bixin, wixiii dhibaato ah ee ka dhasha faragelintaas waxaa masuuliyadeeda dhabarka saaranaya Madaxweynaha DFS iyo Ra’iisulwasaarihiisa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment