War deg deg Ah: Turkiga oo Diyaarad Gurmad ah Soomaaliya usoo diray iyo Dhaawacyada oo ay dib u qaadi doonto

Bulsha:- Madaxwyenaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa amar ku bixiyay in diyaarad caafimaad oo gargaar degdeg ah ku qalabeysan oo diro magaalada Muqdisho.

Diyaaradan oo ah kuwa caafimaadka  ayaa Muqdisho u tegi doonta inay ka qaado dadka dhaawacoodu liito ee wax ku waxyeeloobay qarixii weynaa ee shalay ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay la socdaan dhaqaatiir caamaad oo la
tacaalaya dhaawacyada.

Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsigii dowladda Soomaaliya saacado gudahood, waxaana tani ay muujineysaa in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan  uu yahay shaqsi u dhow umadda Soomaaliyeed.


R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre  ayaa Goor dhowayd sheegay inay  dalal kala duwan Dawladdu  ka codsatay inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah, kuwaasi oo Waxyeelo kasoo gaadhay Weerarkii Waxshinada ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment