Todobaadka dhaqanka Somalida oo lagu soo gaba gabeeyay Nairobi (Sawirro)

Bulsha:-   Xarunta Dhaqanka ee Kenya waxaa maalmahani ka socday bandhiga todobaadka dhaqanka oo ahaa mid ay ka soo qeyb galeen Soomaali badan oo ku nool wadanka Kenya debshidka oo galay sanadkii 3 aad waxaa lagu soo bandhigay qeyb kala duwan oo dhaqanka Soomaalida ka turjumayo sida Buugaag ,Dhar laga sameeyay Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida , Cunooyinka Soomaalida ay is ticmaalaan sida kuwa ka soo go’a wadanka.



Todobaadka Dhaqanka waxaa lagu Soo badhigay Suugaanta Soomaalida Sida Wilisaqada , Dhaantada ,Heeso ,Sheekooyin , sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Doodo lagu gorfeeyay arrimaha dhaqanka iyo dhaqaalaha , Xarunta Cilmi Baarista ,Dhaqanka iyo Akhrista ee Aw-Jaamac Cumar ayaa barnaamijkan soo qaban qaabisay .

Dabshida dhaqanka oo socday muddo Afar maalin ah waxaa Xarunta Aw -Jaamac ka Caawiyay qeybo ka mid ah shirikadaha Soomaalida oo ay ugu Horeyso Horumuud , Takaaful ,iyo sidoo kale Safaaradda Switzerland qeybta ka shaqeyso dhaqanka.


Fardowsa Jaamac oo ah Maamulka Xarunta ,Aw-jaamac Cumar ayaa tiri “ Sanadkan wax badan ayuu nooga duwanaa sanadkii hore sababta oo ah waxa aan helnay dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo diyaar u ah horumarinta dhaqanka , waxaa sanadihii hore dhici jirtay in dadka Kenyanka ah ay sheekooyinka Soomaalida akhriyaan ka dib ay iyaga dadka u sii akhrinyaan balse sanadkan inaga ayaa sameynay sidaasi.

Mar aan wax ka weydiiyay haddii ay caawimaad ka heleen dowladda Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee Kenya waxa ay tiri “waxaa noo yimid Wasiir Jamaal balse waxa aan dhowr mar Casuumaad u dirnay safaarada Soomaaliya ee Kenya gaar ahaan safiirka ma uusan noo imaanin taasina ma garan karno sababta ay ku dhacday”.

Ka sokow Fardowsa Jaamac dhalinyaradii ka soo qeyb gashay ayaa aad u bogaadiyay howsha quruxda badan oo qeybka mid ah dhalinyadan iyo Xarunta ay isla wadaan waxa ayna sheegeen in ay xoojin doonaan dhaqankooda Soomaaliyeed.

W/Q: Nasrin Mohamed Nairobi Kenya










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment