Sawirro:-Qaar Ka Mid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Soobe Oo Goordhow Loo Qaaday Turkiga

Bulsha:-  Goordhow waxaa Garoonka Diyaaraha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka duushay Diyaarada siday qaar ka mid ah dadkii ugu darnaa eek u dhaawacmay qaraxii Maalin ka hor ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan ayaa waxa ay ka timid dalka Turkiga iyada oo ay la soceen Dhaqatiir u dhalatay dalkaasi, waxaana Garoonka ku sugnaa oo sagootiyay dhaawacyada masuuliyiin uu horkacayo Ra’iisul Wasaare xasan Cali kheyre Wasiiradda Arrimaha Dibad aiyo Warfaafinta.

Ku dhawaad 40 Ruux ayaa Diyaaradaan ay qaaday waxana la sheegay in qof walba uu raaci doono hal qof oo ehelkiisa ah tanina waxa ay qeyb ka tahay Turkiga oo ka jawaabayay codsi ay u direen Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya.

Dadka la qaaday waxaa ka mid ah Wariye Cabduqaadir Ok oo ka mid ah Wariyaasha Muqisho uga warama Idaacadda Voa,da.

Diyaaradda ayaa la saaray dhaawacyada dad gaaraya 40 Qof oo loo qaadayo Dalka Turkiga sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Sidoo kale dowladda Turkiga waxaa la filayaa in ay soo dirto diyaarado kale oo dhaawacyada qaada, asiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Waddamada deriska ah sida Jabuuti,Itoobiya iyo Kenya ay diyaarado soo dirayaan.
Dhaawacyada hadda laga qaaday Aadan Cadde waxaa sii sagootay Mas’uuliyiin ay ka midyihiin Ra’isalwasaare Xasna Cali Kheyre iyo ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment