Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo balanqaad u sameeyey Sheekh Sulfa (Fanaan hore)

Bulsha:- Madaxweynaha JFS MD Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa intuu ku Sugnaa Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Arabia Wuxuu Qasrigii uu Degenaa Ku Qaabiley Sheekh CabdiLahi Sulfa oo Ka Mid ahaan Jirey Hoboladii Caanka ahaa ee Qaranka Soomaaliyeed.

Sheekh Sulfa oo hadda ah Sheekh iyo Daaci si Weyn loogu yaqaan dalka Sacuudi Carabia wuxuu imaam ka yahay Masjidka Cabdilahi ibnu Cumar ee Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Arabia.

Sheekh Cabdilahi Sulfa oo in dhaweyd uu la soo darisey Xanuun dhanka Kalyaha ah ayaa u baahan in Maalin Dhaaf loogu dhaqo Kalyaha, wuxuu sidoo kale si deg-deg ah ugu baahanyahay in Kalyaha loo badalo.

Madaxweynaha JFS MD Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa ilaahay uga baryey Sheekha Caafimaad Deg-Deg ah Waxaanuu u Sheegay Sheekha inuu Kafaalo Qaadaayo Wixii ku baxaya Kharashka Dhaqista Kalyaha inta laga Gaadhayo Operationka/Camaliyada bedelista Kalyaha isla Markaana uu Gacan ka Geysanayo Wixii ku baxaya Operation-ka Ka Badalista Kalyaha.
Kulanka Waxa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibada MD Yusuf Garaad Cumar iyo Danjiraha Somaliya ee Sacuudiga MD Daahir Maxamuud Geele.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment