MUUQAAL: Sh. Cali Wajiis oo sharaxay Sidii Arxanka Darnayd ee Al-shabaab Dadka u gumaaday iyo Wuxuu Arkay

Bulsha:- Sheekh Cali Wajiis oo kamid ahaa culimadii laga soo badbaadiyay weerarkii ay maleeshiyada Alshabaab ku qaaden Hoteel Naasa-Hablood ayaa sheegay in indhihiisa uu ku arkaay cadaawad fog oo ay Shabaab u qabaan dadka shacabka ah.


Waxa uu Sheekh Cali Wajiis sheegay in si ku tallo gal ah ay u beegsanayeen dadka abriyada ah ee xiligaa ku jiray Hoteelka, waxa uuna meesha ka saaray in Alshabaab ay u diir naxayaan shacabka.

Waxa uu tusaale usoo qaatay Hooyo iyo carruurteeda oo weerarka ka hor usoo martiyey Wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka Koonfur galbed Madoobe Nuunow Maxamed. “waxa ay dileen hooyo iyo carruur ay wadatay, hooyadu waxa ay ku dileen qol aan waxyar ka hor ka baxay oo ay soo gashay” ayuu yidhi.

Waxa uu aad u amaanay ciidamada dowlada oo uu sheegay inay darbiyada uga boodeen Hoteelka, isla markaana naftooda u hureen dadkii ku jiray gudaha, waxa uuna xusay inay dhabarka ka tuuganayeen kuwa al-Shabaab.

”Waxaan saacado xalay la noolaa al-Shabaab waxaan arkay ayaa igu filan alshabaab diyaar uma aha inay u naxariistaan shacabka”
Sidoo kale, Dowlad goboleedyada wadahadalka kula jira dowlada Dhexe ayuu ugu baaqay inay qiimeeyaan dhiiga Wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka Kalbeed galbed Madoobe Nuunow Maxamed, waxa uuna carab dhabay inuu noqon doono tusaale.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment