Blogger Widgets

Mareykanka oo Suudan ka qaaday qayb kamid ah cunaqabateyn uu kusoo rogay

Bulsha:- Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay ka qaadayso cunoqabatayn dhaqaale oo ay ku soo rogtay dalka Sudan, Taasi oo ku timid  dadaalo muuqda oo ay Sudan ku xalisay dhibaatooyin ka jira dalkeeda.

Mareykanka ayaa ka qaadista cunaqabateynta u cuskaday in Sudan ay xalisay dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalkeeda.

Waxa ay sheegtay in weli Sudan ay u taagan tahay xal u helida khilaafaadka ka jira Gobolka iyo weliba halista argagaxisada.

Heather Nauert oo ah Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa sheegtay in cunoqabataynta si rasmi ah loo qaadi doono 12ka bishan Octobar 2017.

Heather Nauert, ayaa intaa raacisay in Sudan ay kasii mid noqon doonto dalalka ay dowlada Maraykanka u aqoonsan tahay in ay caawiyaan argagaxisada sidaa darteedna cunoqabataynta hubka lagama qaadi doono.

Ka qaadista cunoqabataynta dalka Sudan ayaa waxaa bilaabay dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa Barack Obama.
Dowlada Maraykanka ayaa cunoqabataynta saartay Sudan sanadii 1997dii, kadib markii lagu eedeeyay xadgudubyo is biirsaday.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment